Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyay in 503,916 qof ay u diiwaangashan yihiin inay berri, oo Khamiis ah (25-ka Diseembar 2025), codkooda ka dhiibtaan doorashada taariikhiga ah ee goleyaasha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Doorashada Goleyaasha Deegaanka

Xogta Muhiimka ah ee Doorashada:
- Baaxadda: Doorashadu waxay ka dhacaysaa 16 degmo oo ka tirsan caasimadda.
- Tartamayaasha: Waxaa ku tartamaya 20 urur siyaasadeed iyo 1,604 musharrax.
- Kuraasta: Waxaa loo tartamayaa 390 kursi oo heer deegaan ah.
- Wakhtiga: Codeyntu waxay bilaabanaysaa 6:00 AM illaa 6:00 PM, iyadoo suurtagal ay tahay in wakhtiga lagu daro haddii safafku dheeraadaan.

Awaamiirta iyo Amniga
Guddoomiye Cabdikariim Axmed ayaa adkeeyay in kaarka codeynta ee rasmiga ah oo keliya lagu codayn karo, isagoo shacabka ugu baaqay inay si nabad ah u gutaan waajibaadkooda. Dhanka kale, ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu soo rogay bandow socon doona inta ay codeyntu socoto si loo xaqiijiyo xasiloonida.
Caqabadaha iyo Diidmada Siyaasadeed
Inkastoo doorashadan loo arko tallaabo taariikhi ah oo dadweynuhu markii ugu horreysay muddo 50 sano ah ay si toos ah wax u dooranayaan, haddana waxaa jira caqabado siyaasadeed:

- Maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ayaa si adag u diiddan hannaankan.
- Shir dhowaan ka dhacay Kismaayo ayay kaga digeen firaaq dastuuri ah iyo qalalaase, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tallaabooyin ka dhan ah qorshaha Villa Somalia haddii aan la dhageysan baaqyadooda.
Si kastaba ha ahaatee, indhaha dadka Soomaaliyeed ayaa berri ku haysan doona caasimadda, si loo arko sida uu u qabsoomo hannaankan “qof iyo codka” ah ee ay horseedka ka yihiin Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Leave a comment