Aqoonsiga Somaliland ASMARA – Dowladda Ereteriya ayaa soo saartay digniin culus oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada dhowaan soo kordhay ee la xiriira aqoonsiga gobolka “Somaliland”, iyadoo ku tilmaamtay tallaabadaas “shirqool” muddo unkayay oo loogu talagalay in lagu abuuro fawdo iyo qalalaase gobolka iyo caalamkaba saameeya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya 28-kii Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in arrintani aysan ahayn sir cusub, balse ay tahay qorshe muddo karsanayay si loo huriyo xasarado khatar ah oo ka qarxa Geeska Afrika.

Baaca Golaha Ammaanka iyo Masuuliyadda Shiinaha
Ereteriya waxay si cad u dalbatay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo xubnihiisu ay ka bixiyaan jawaab aan madmadow lahayn. Qodobka ugu yaabka badan war-saxaafadeedka ayaa ahaa farriinta tooska ah ee loo diray dalka Shiinaha.
Asmara waxay Shiinaha xasuusisay in looga fadhiyo inuu qaado mas’uuliyaddiisa akhlaaqeed, iyadoo barbar-dhig (analogy) ku sameysay arrinta Somaliland iyo arrinta Taiwan. Ereteriya waxay tilmaantay in Shiinuhu uu muddo dheer u doodayay midnimada dalkiisa iyo la dagaallanka goosashada Taiwan, sidaas darteedna ay tahay inuu mawqif midkaas la mid ah ka istaago Soomaaliya.
“Waxay si gaar ah waajib ugu tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay garbaha u ridato mas’uuliyadda akhlaaqeed, marka loo eego isku-midnimada muuqata ee u dhaxaysa arrinta Taiwan iyo tan hadda taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maxay arrintani ka dhigan tahay?
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in Ereteriya ay isku dayayso inay Shiinaha ku riixdo inuu adeegsado awooddiisa Veto-ga ama miisaankiisa dublamaasiyadeed si uu uga hortago isbeddellada cusub ee gobolka. Barbar-dhigga Taiwan ayaa loo arkaa xeelad dublamaasiyadeed oo Shiinaha lagu xasuusinayo in haddii uu oggolaado ama ka aamuso kala qaybinta Soomaaliya, ay taasi dhabar-jab ku noqon karto dooddiisa ku aaddan Taiwan.
Gunaanad
War-saxaafadeedkan ayaa imanaya xilli gobolku uu dhex maquuranayo isbahaysiyo cusub iyo loolan dhanka badda iyo aqoonsiga ah. Asmara waxay qoraalkan ku xaqiijisay inay ka soo horjeeddo wax kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka gobolka, iyadoo arrintan u aragta khatar nabadgelyo oo caalami ah.
Leave a comment