Geeska Afrika, go’aannada ugu khatarta badan waxaa inta badan loo suuq-geeyaa sidii kuwo caqli-gal ah oo aan dhib lahayn. Ka dib markii ay Israa’iil qaadday tallaabada layaabka leh ee ay ku aqoonsatay Somaliland, waxaa hadda socda olole xooggan oo Kenya lagu dhiirigelinayo inay raacdo dhabadaas. Ololahan ayaa lagu sifeeyey mid Kenya u sahlaya isbeddel dublomaasiyadeed oo “raqiis ah”, kaas oo looga dhigayo mid farsamo oo aan wadan taariikh, aqoonsi ama cawaaqib xumo.

Ma dhab baa in Kenya ay ammaan tahay? Dadka u ololeeya qorshahan waxay ku doodayaan in Kenya ay tahay dal degan, oo ka duwan Itoobiya oo la tacaalaysa kacdoonno gudaha ah. Waxay farta ku fiiqayaan in Kenya ay haysato “aag ammaan” (security buffer) oo ah Jubaland, isla markaana ay xiriir qoto dheer oo dhinaca sirdoonka iyo milatariga ah la leedahay quwadaha gobolka. Sidaas darteed, aqoonsiga Somaliland waxaa loo soo bandhigayaa sidii “hagaajin siyaasadeed” oo yar, halkii loo arki lahaa go’aan istiraatiiji ah oo burburin kara nidaamka gobolka.

Digniinta Taariikhda Si kasta ha ahaatee, falanqeeyayaasha ka digaya qorshahan ayaa aaminsan inaysan jirin wax la yiraahdo “halis yar” marka ay timaado faragelinta xuduudaha iyo madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika. Kenya qudheeda waxaa marar badan tijaabiyey doorashooyin lagu muransan yahay iyo loolan qabiil oo salka ku haya aqoonsiga siyaasadeed.
Haddii Kenya ay iska indho-tirto casharrada taariikhda, oo ay ku dhiirato inay beddesho khariidadda gobolka iyadoo raadinaysa dano muddo gaaban ah, taasi ma noqon doonto “diblomaasiyad geesinimo leh” balse waxay noqon doontaa “hilmaan istiraatiiji ah” (strategic amnesia) oo dalka Kenya u horseedi kara dhibaatooyin aan laga soo kaban karin.

Xaqiiqada cusub: In kasta oo ay jiraan dalal sida Bangladesh, Nepal iyo Imaaraadka oo bilaabay inay Somaliland ula dhaqmaan si ka go’an Soomaaliya, haddana doorka Kenya ayaa ah midka go’aamin doona haddii Geeska Afrika uu galayo weji cusub oo kala qaybsanaan ah ama haddii la ilaalin doono nidaamka dowladnimo ee ku dhisan madax-bannaanida dhulalka.
Leave a comment