Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay bandow dhameystiran oo lagu soo rogay caasimadda laga bilaabo caawa saqdhaxdeeda.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha sugidda amniga ee doorashada goleyaasha deegaanka ee berri dhacaysa.
Ciidamada ammaanka ayaa la dhigay waddooyinka muhiimka ah, waxaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah, si looga hortago falal carqalad ku ah habka codeynta ee dadka loo qorsheeyay.

Leave a comment