Home Aqoonsiga Somaliland Dabin Halis ah: Maqaalka “Israel Hayom” iyo Khatarta Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Aqoonsiga SomalilandWararka maanta

Dabin Halis ah: Maqaalka “Israel Hayom” iyo Khatarta Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Share
Israel Hayom
Israel Hayom
Share

Toddobaadkan, jariiradda Israel Hayom waxay soo saartay maqaal ay ku ammaanayso Somaliland, iyadoo isbarbardhigaysa “xasilloonida” Somaliland iyo waxa ay ugu yeertay “dawladda dhalanteedka ah” ee Falastiin. Marka loo kuurgalo xaqiiqada dhabta ah iyo taariikhda, maqaalkaasi ma aha mid saaxiibtinimo, balse waa mashruuc salka ku haya khiyaano siyaasadeed iyo khatar ammaan oo gobolka ku soo fool leh.

1. Saldhig Ciidan iyo Dagaal lagu soo jiidayo Somaliland

Maqaalku wuxuu qariyay ujeeddada dhabta ah ee Israa’iil ay Somaliland u doonayso: Waa Juquraafi istiraatiiji ah. Haddii Israa’iil ay saldhig ciidan ka samaysato waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) si ay ula dagaallanto Xuutiyiinta Yemen, waxay Somaliland u rogeysaa fagaare dagaal.

Maanta, Xuutiyiinta Yemen waxay haystaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo gaari kara gudaha Israa’iil iyagoo soo dhex maraya hawada Sacuudiga iyo wadamo fog-fog. Haddaba, sidee bay u joojin karaan inay garaacaan Somaliland oo dhagax-tuur u jirta? Maaha “cambuulo carab saaran” ee waa digniin dhab ah: Xuutiyiintu caano iyo nabad uma soo diri doonaan Somaliland haddii ay noqoto fariisinka koowaad ee diyaaradaha Israa’iil. Tani waa khatar galinaysa nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed ee aaggaas deggen.

https://fb.watch/EkZ3uIumgK

2. Dabin-ka Diimeed: “Abraham Accords” iyo Fasiraadda Culus

Heshiisyada Abraham Accords ma aha oo kaliya heshiisyo nabadeed, balse waa qorshe lagu beddelayo qiyamka diimeed ee dadka Muslimiinta ah. Waxaa lagu baaqayaa “diin dhex-dhexaad ah” oo micneheedu yahay in laga tanaasulo qaddiyadda Al-Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa, laguna beddelo danaha Israa’iil.

Waxaan aragnaa maanta dalka Mareykanka oo ah quwadda koowaad ee dunida, haddana madaxdiisu aysan ku dhiiran karin inay dhaleeceeyaan xasuuqa ka socda Gaza. Haddii Mareykankii intaas la eg uu afka ka xiranyahay, Somaliland maxay ka filan kartaa isbahaysi ay la gasho Israa’iil? Waa dabin lagu luminayo karaamada iyo go’aanka madax-bannaanida.

3. Casharkii Bangladesh: Karaamada vs Aqoonsiga

Taariikhdu waa macallin weyn. Sannadkii 1972-kii, markii Bangladesh ay ka go’day Pakistan, waxay u baahnayd aqoonsi caalami ah si ay u badbaaddo. Israa’iil waxay u soo bandhigtay aqoonsi buuxa, laakiin dowladdii Bangladesh wey diidnay.

Maxay u diideen? Sababtoo ah waxay ogayeen in aqoonsiga Israa’iil uu ka dhigan yahay:

  • Inaad aqbasho in dhulka Falastiin uusan jirin.
  • Inaad saxiixdo in Masjidka Al-Qudus uu yahay hanti Israa’iil leedahay.
  • Inaad lumiso sharafta iyo karaamada dadkaaga Muslimiinta ah.
Israel Hayom
Israel Hayom

Bangladesh waxay dooratay inay sugto aqoonsi xalaal ah, maantana waa dal ka mid ah kuwa ugu dhaqaalaha wanaagsan dunida, iyadoo aan waligeed aqoonsan Israa’iil. Tani waa tusaalaha ugu fiican ee ay tahay in Somaliland ay barato.

4. Sumaynta Xiriirka Israa’iil

Ma aha dalalka Muslimka ah oo kaliya, balse wadamo badan oo aan Muslim ahayn ayaa ka fogaada xiriirka Israa’iil. Waxay og yihiin in dawlad ku dhisantay isir-sifayn iyo xasuuq (Ethnic Cleansing) oo bilowday 1930-yadii, markii ay ka soo qaxayeen Yurub si ay dhulka dad kale u qabsadaan, inaysan noqon karin saaxiib dhab ah. Xiriir kasta oo lala yeesho Israa’iil waa “sun” diblomaasiyadeed oo qofka iyo dalkaba ka go’doominaysa caalamka inteeda kale ee caddaaladda jecel.

Israel Hayom
Israel Hayom

Gunaanad

Maqaalka Israel Hayom wuxuu leeyahay: “Somaliland waa dawlad dhab ah, Falastiinna ma jirto.” Tani waa beentii ugu weynayd ee qarniga. Falastiin waa dhul leh taariikh iyo dad mudan xornimo, Israa’iilna waa xoog ku hayste.

Israel Hayom
Israel Hayom

Somaliland haddii ay aqbasho aqoonsigan dhiigga ku dhibcaya, waxay xaqiijinaysaa maahmaahda ah: “Usha walaalkaa ku dhacday, gumadkeeda adigana waa ku sugaysaa.” Maanta waa Falastiin, berri waa yaa? Haddii aan maanta la difaacin caddaaladda Falastiin, berrito yaa u doodi doona Somaliland marka loo isticmaalo sidii qalab dagaal oo kaliya?

Karaamada, diinta, iyo badbaadada shacabka ayaa ka weyn warqad aqoonsi oo laga helo dawlad xasuuq ka wadda caalamka hortiisa.

Share

Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *