Doorashada Goleyaasha Deegaanka Banaadir, Doorashada Muqdisho 2025, Qof iyo Cod Muqdisho.
MUQDISHO – Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka ku waabariisatay jawi ka duwan kuwii hore, ka dib markii si rasmi ah looga bilaabay doorashada goleyaasha deegaanka oo ku qabsoomaysa nidaamka Qof iyo Cod. 16 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa si isku mid ah looga dareemayaa loolanka doorashada oo ay ku tartamayaan ilaa 20 urur siyaasadeed.

Safaf Dhaadheer iyo Cod-bixinta Mas’uuliyiinta
Shacabka Muqdisho ayaa xilli hore oo waabari ah safaf dhaadheer u galay xarumaha cod-bixinta. Waxaa dadka safka kula jira mas’uuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, iyo Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.
Wasiir Al-Cadaala oo dareenkiisa la wadaagay warbaahinta ayaa yiri: “Saaka Naftayda, Dalkayga iyo Ubadkayga taariikh ayaan u samaynayaa. Muwaadin, adiga ayaa talada go’aaminaya ee soo bax oo go’aami mustaqbalkaaga.”

Amniga iyo Xayiraadaha Jidka
Si loo xaqiijiyo badqabka muwaadiniinta, ciidamada ammaanka ayaa la dhigay dhamaan wadooyinka muhiimka ah iyo xarumaha cod-bixinta. Waxaa magaalada lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqdhaqaaqa gaadiidka ah, iyadoo ciidanku ay si feejigan u ilaalinayaan amniga guud ee caasimadda.
Mucaaradka iyo loolanka Ururada

Doorashadan ayaa timid xilli ay jiraan xubno ka tirsan mucaaradka oo ku dhawaaqay inaysan aqoonsan doonin natiijada doorashada. Mucaaradka ayaa dhaliilay nidaamka ay dowladda u maamushay geedi-socodka doorashada, halka ururka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu qayb ka yahay ururada u tartamaya kuraasta goleyaasha deegaanka.
Leave a comment