Fahad Yaasiin Muxuu Fahad ka yiri doorashada qof iyo cod ah ee ka bilaabatay Muqdisho?
Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku naqdiyey habka ay u socoto doorashada magaalada Muqdisho. Fahad ayaa ku tilmaamay nidaamkan mid “qof iyo qasab ah,” isagoo eedeyn kulul u soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Qoraalkan ayaa yimid xilli magaalada ay ka socdaan codeyn dadweyne, taasoo dhalisay falcelinno kala duwan oo dhanka siyaasadda ah.

QORAALKA FAHAD YAASIIN
𝐃𝐎𝐎𝐑𝐀𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐐𝐎𝐅 𝐈𝐘𝐎 𝐐𝐀𝐒𝐀𝐁 Madaxweyne Xasan waa inuu ka cadurdaartaa inkiraadda taariikhda gobollo dalka ka mid ah. Xilka loo dhaariyey sow Madaxweynaha Jamhuuriyada maahan? Madxaweyne Xasan, guulaha taariikhiga ah ee ay Somaliland ka gaartay doorasho qof iyo cod ah umaba aqoonsana guul ay umaddiisu leedahay! Puntland doorashdii qof iyo codka ahayd ee ay qabteen uma yaqaano guul ay shacabkiisu hanteen. Khudbaddii Madaxweynaha ee xalay wuxuu muujinayay farxad iyo faan xadka dhaafay. Waxaan ka yaabay, marna ma soo hadal qaadayo Puntland iyo Somaliland oo ah laba maamul oo hirgaliyey doorasho si buuxda u haysatay sharciyad iyo ogolaansho. Puntland markay qabaneysay doorashadaas Madaxweyne Xasan waa kii ku handaday inay burburayso, maantana wuu dafirayaa taariikhdooda. Nasiib darro Madaxweynihii Jamhuuriyada wuxuu ku faanayaa doorasha dhan walba ka dhaawacan, QOF iyo QASAB ku dhisan oo hal magaalo kaliya ah.

Leave a comment