Home Wararka Siyaasada Sir ay kashiftay Jariirada Israel times Beesha isaaq ma Yuhuud baa asalkooda ? israel oo sheegatay inay leeyihiin Somaliland? Akhriso
Wararka Siyaasada

Sir ay kashiftay Jariirada Israel times Beesha isaaq ma Yuhuud baa asalkooda ? israel oo sheegatay inay leeyihiin Somaliland? Akhriso

Share
yuhuud
yuhuud
Share

MAQAAL: Ma Falastiin Cusub Baa Laga Dhisayaa Soomaaliya? Falanqaynta Damaca Israa’iil iyo Beenta Taariikhda

Yuhuud : Tan iyo markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil ay bilowday baahinta sheegashooyin ku saabsan “aqoonsiga” Somaliland, waxaa soo baxay olole ballaaran oo taariikhda lagu leexinayo. Maqaallo dhowaan lagu qoray luuqadda Ingiriisiga ayaa isku dayaya inay hordhaca u noqdaan qorshe fog oo dalka looga goynayo qayb muhiim ah, iyadoo la adeegsanayo marmarsiinyo ah “taariikh Yuhuudeed” oo ka jirtay waqooyiga Soomaaliya.

Sheegashada “Yuhuuddii Yemen” iyo “Qabiilooyinka Qarsoon”

Borobagaandada Israa’iil waxay xoogga saaraysaa in qiyaastii 150 sano ka hor ay boqolaal Yuhuud ah oo ka yimid Yemen degeen magaalooyinka Berbera iyo Saylac. Waxay xitaa gaareen inay sheegaan inay jiraan “qabiilo qarsoon” oo Soomaali ah oo tirsiga Yuhuudda raaca. oo ay ka wadaan beesha isaaq ee dega waqooyi gobolo ka mid ah hada aqoonsi ka heshay israel .

Tani ma ahan wax ku cusub istiraatiijiyadda Siyonis-ka; waa habka ay markasta u adeegsadaan inay ku dhex galaan bulshooyinka, si ay hadhow u sheegtaan xuquuq dhiig ama mid dhuleed, sidii ka dhacday Falastiin.

Taariikhda Qarsoon: Qorshihii Mussolini ee Puntland ilaa Jubbaland

Mid ka mid ah xaqiiqooyinka ay Israa’iil maanta qarinayso waa qorshihii Benito Mussolini ee “The Ethiopia Plan” xilligii gumeysiga Talyaaniga. Mussolini wuxuu doonayay inuu Yuhuudda Yurub ka keenayo ku dejiyo dhulka u dhexeeya Puntland ilaa Jubbaland. Inkasta oo hoggaankii Siyonis-ka ee waqtigaas ay diideen qorshahaas si ay xoogga u saaraan qabsashada Qudus, haddana maanta waxay u muuqataa inay dib u soo noolaynayaan damacaas si ay u helaan gacan-ku-haynta badda Cas iyo marinada istiraatiijiga ah.

Midab-takoorka loogu gaystay Yuhuudda Itoobiya gudaha israel

Si loo fahmo wejiga dhabta ah ee Israa’iil, waa inaan dib u eegnaa sidii ay ula dhaqantay Yuhuudda ka timid Itoobiya (Beta Israel). In kasta oo ay u isticmaasheen inay ku kordhiyaan dadka Yuhuudda ah, haddana waxay si qarsoodi ah haweenka Yuhuudda ah ee madow ugu mudeen dawooyin dhalmo-reeb ah (Sterilization) iyadoon laga oggolaan. Tani waxay caddayn u tahay in Israa’iil ay nebcay tahay dhiigga madow, balse ay bulshooyinka Geeska Afrika u aragto qalab ay u isticmaasho danaha ciidan iyo kuwa siyaasadeed.

Khatarta “Falastiinka Cusub” ee Soomaaliya

Damaca Israa’iil ee ah inay dhisato “Chabad Houses” ama xarumo ay ku sheegto diin ee ku yaala waqooyiga Soomaaliya waa hordhaca qorshe lagu burburinayo qarannimada Soomaaliyeed. Waxay doonayaan inay dhulkeenna u beddelaan saaxad ay ku dagaallamaan iyagoo kaashanaya damaca Itoobiya ee ah inay marin-badeed xoog ku hesho.

Gunaanad

Soomaaliya waa inay u istaagtaa difaaca dalkeeda, dadkeeda, iyo taariikhdeeda. Sheegashada Israa’iil ee ah inay “Somaliland aqoonsatay” ma ahan mid ka timid jacayl ay u qabto dadka deegaankaas, balse waa dabin lagu doonayo in lagu xalaaleeyo joogitaanka cadawga ee dhulka Soomaaliyeed. Haddii aan maanta la iska qaban borobagaandadan, berri waxay noqon kartaa inaan u barooranno dhul kale oo naga lumay siday Falastiin u weyday dalkeedii.

Share

Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *