- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio oo ka hadlay weerarka Venezuela,
Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Marco RubioXoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, sida uu sheegay Senator ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, wuxuu filayaa in aan wax tallaabo dheeraad ah lagu qaadi doonin Venezuela ka dib qabashada Nicolás Maduro.Mike Lee wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynaha Venezuela, Maduro, la xiray ka dib markii uu telefoon kula hadlay Marco Rubio.“Wuxuu [Rubio] filayaa in aan tallaabo dheeraad ah lagu qaadi doonin Venezuela hadda oo Maduro uu gacanta Mareykanka ku jiro,” ayuu yiri Senator Lee.Lee wuxuu intaa ku daray in weerarrada Mareykanka la “adeegsaday si loo ilaaliyo loona difaaco kuwa fulinayay amar xiridda.”La wadaag, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio oo ka hadlay weerarka Venezuela, - 35 Daqiiqadood ka horWasiirka Gaashaandhiga Venezuela oo faahfaahin ka bixiyay weerarka Mareykanka
Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,López (Midig) wuxuu ahaa wasiirka difaaca ee Maduro (Bidix) ilaa 2014Wasiirka Difaaca ee Venezuela ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo daadgureeyay ciidamo milatari oo laga kala diray guud ahaan dalka.Isagoo ku hadlaya Af-Isbaanish farriin muuqaal ah, Vladimir Padrino López ayaa ku baaqay midnimo iyo iska caabin wadajir ah iyadoo laga jawaabayo waxa uu ku tilmaamay “gardarradii ugu xumeyd abid” ee lagu lagula kaco Venezuela. Waxa uu intaas ku daray in Venezuela ay raacayso “amarada Maduro”, isla markaana dhammaan ciidammada hubeysan la daadgureyn doono.La wadaag, Wasiirka Gaashaandhiga Venezuela oo faahfaahin ka bixiyay weerarka Mareykanka - Saacad ka horFaahfaahinta ka soo baxaysa qaabkii loo qabtay Nicolás Maduro
Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Nicolás MaduroMas’uuliyiin ayaa u sheegay, warbaahinta CBS News, ee ay bahwadaagta yihiin BBC in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force.Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo ka ganacsata daroogada, arrintaas oo uu Maduro si adag u beeniyay.Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.Dowladda Venezuela weli ma aysan xaqiijin arrintan.Mareykanka ayaa horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.La wadaag, Faahfaahinta ka soo baxaysa qaabkii loo qabtay Nicolás Maduro - Saacad ka horDeg deg:Trump oo sheegay in Mareykanku ay qabteen Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro
Qoraalka sawirka,DegdegMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana uu qabtay hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa.“Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka.”La wadaag, Deg deg:Trump oo sheegay in Mareykanku ay qabteen Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro - Saacad ka horSawiraddii ugu dambeeyay ee weerarkii Mareykanka uu ku qaaday VenezuelaWaxaa ay sawiro ka imanayaan caasimadda Venezuela oo uu Mareykanku weeraray.Hoos ka eeg sawiradii ugu dambeeyay
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,weerar
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,.
Xigashada Sawirka,EPA/ShutterstockQoraalka sawirka,.La wadaag, Sawiraddii ugu dambeeyay ee weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Venezuela - 2 Saacadood ka horMadaxweynaha Venezuela oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqayMeelo ka mid ah caasimadda Venezuela ayaa waxaa ka baxaya qiiq ka dib markii uu Trump amray in dalkaasi la weeraro.Madaxweynaha Venezuela ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo heer qaran ah, waxaana uu cambaareeyay weeraradaasi oo uu ku tilmaamay isku day Mareykanka uu ku doonayo inuu ku qaado Shaidaalka iyo macdanta dalkiisa.Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu madaxwayne Trump amray in la weeraro xarumaha militariga Venezuela.La wadaag, Madaxweynaha Venezuela oo xaalad degdeg ah ku dhawaaqay
- 2 Saacadood ka horTrump oo amray in Venezuela la weeraro
Qoraalka sawirka,khariiradSaraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay in militariga dalkaas ay qaadaan weeraro ka dhan ah xarumaha militariga ee Venezuela, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xarumaha ciidamada ee magaalada Caracas.CBS News ayaa ku warameysa in xafiiska Pentagon uu u gudbiyay dhammaan faahfaahinta Aqalka Cad.La wadaag, Trump oo amray in Venezuela la weeraro - 7 Saacadood ka horWaa kuma dalka labaad ee Somaliland aqoonsan kara kaddib Israel?
Xigashada Sawirka,Xafiiska Madaxtooyada SomalilaandQoraalka sawirka,.Warka aqoonsiga Israel ee Somaliland ayaa gebi ahaanba dhaliyey falcelinno kala duwan, oo ku aaddan mustaqbalka Somaliland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.Soomaaliya, Turkiga, Qadar, Masar, Jabbuuti, midawga Afrika iyo dalal kale oo carbeed iyo kuwo afrikaan ah ayaa canbaareeyey kana soo horjeestay aqoonsigaas.Dhanka kale, Somaliland, ayaa iyana dhankeeda waddo dedaallo ay ku sii ballaadhinayso aqoonsigaas, iyada oo baadigoob ugu jirta dalalkii kale ee kusoo biiri lahaa Isra’iil.Madaxweynaha Soomaalilaan Cabdiraxmaan Cirro ayaana si cad u sheegay in ‘dalal kale soo hayaan daqriiqa aqoonsiga Somaliland’ khudbad uu shalay jeediyey kaddib markii uu soo baxay warka Israel.Warbaahinaha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa iyaguna saadaalinaya xaalka sida uu noqon doono, saamaynta ka dhalan doonta aqoonsigan iyo weliba cidaha kale ee ku soo biiri doona.Halkan ka sii akhrisoLa wadaag, Waa kuma dalka labaad ee Somaliland aqoonsan kara kaddib Israel? - 7 Saacadood ka horDad ku dhintay dhulgariir cabirikiisu yahay 6.5 oo ku dhuftay Mexico
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,.Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Mexico Jimcadii.Warbaahinta CBS, ee Maraykanka oo bah-wadaag la ah BBC-da ayaa sheegtay in ilaa fiidnimadii jimcaha waqtiga maxaliga ah ee dalkaas, labo qof ay dhinteen halka dhowr kale ay dhaawacmeen.Xudunta dhulgariirka cabirkiisu ahaa 6.5 ayaa ku dhawayd magaalada dalxiiska caanka ah ee Acapulco, oo ku taal agagaarka San Marcos ee gobolka koonfur-galbeed ee Guerrero.Gobolka Guerrero, guddoomiyaha gobolka Evelyn Salgado ayaa sheegtay in haweeney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku dhimatay, halka Clara Brugada, duqa magaalada Mexico City, ay xaqiijisay geerida nin 60 jir ah. Waxay sidoo kale sheegtay in 12 qof oo kale ay dhaawacmeen

Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Marco RubioXoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, sida uu sheegay Senator ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, wuxuu filayaa in aan wax tallaabo dheeraad ah lagu qaadi doonin Venezuela ka dib qabashada
Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,López (Midig) wuxuu ahaa wasiirka difaaca ee Maduro (Bidix) ilaa 2014Wasiirka Difaaca ee Venezuela ayaa ku dhawaaqay in si degdeg ah loo daadgureeyay ciidamo milatari oo laga kala diray guud ahaan dalka.Isagoo ku hadlaya Af-Isbaanish farriin muuqaal ah, Vladimir Padrino López ayaa ku baaqay midnimo iyo iska caabin wadajir ah iyadoo laga jawaabayo waxa uu ku tilmaamay “gardarradii ugu xumeyd abid” ee lagu lagula kaco Venezuela. Waxa uu intaas ku daray in Venezuela ay raacayso “amarada Maduro”, isla markaana dhammaan ciidammada hubeysan la daadgureyn doono.La wadaag, Wasiirka Gaashaandhiga Venezuela oo faahfaahin ka bixiyay weerarka Mareykanka
Xigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Nicolás MaduroMas’uuliyiin ayaa u sheegay, warbaahinta CBS News, ee ay bahwadaagta yihiin BBC in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force.Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada.Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo ka ganacsata daroogada, arrintaas oo uu Maduro si adag u beeniyay.Trump ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sida loo qabtay Maduro ama meesha loo qaaday.Dowladda Venezuela weli ma aysan xaqiijin arrintan.Mareykanka ayaa horay u ballanqaaday abaalmarin dhan $50 milyan cid kasta oo bixisa macluumaad horseeda qabashada Maduro.La wadaag, Faahfaahinta ka soo baxaysa qaabkii loo qabtay Nicolás Maduro
Qoraalka sawirka,DegdegMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela, isla markaana uu qabtay hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, iyo xaaskiisa.“Dalka Mareykanka ayaa si guul leh u fuliyay weerar ballaaran oo ka dhan ah Venezuela iyo hoggaamiyahooda, Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo isaga iyo xaaskiisa labadaba la qabtay lagana duuliyay dalka.”La wadaag, Deg deg:Trump oo sheegay in Mareykanku ay qabteen Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,weerar
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,.
Xigashada Sawirka,EPA/ShutterstockQoraalka sawirka,.La wadaag, Sawiraddii ugu dambeeyay ee weerarkii Mareykanka uu ku qaaday Venezuela
Qoraalka sawirka,khariiradSaraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu amar ku bixiyay in militariga dalkaas ay qaadaan weeraro ka dhan ah xarumaha militariga ee Venezuela, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah xarumaha ciidamada ee magaalada Caracas.CBS News ayaa ku warameysa in xafiiska Pentagon uu u gudbiyay dhammaan faahfaahinta Aqalka Cad.La wadaag, Trump oo amray in Venezuela la weeraro
Xigashada Sawirka,Xafiiska Madaxtooyada SomalilaandQoraalka sawirka,.Warka aqoonsiga Israel ee Somaliland ayaa gebi ahaanba dhaliyey falcelinno kala duwan, oo ku aaddan mustaqbalka Somaliland, kan Soomaaliya iyo guud ahaan gobolkaba.Soomaaliya, Turkiga, Qadar, Masar, Jabbuuti, midawga Afrika iyo dalal kale oo carbeed iyo kuwo afrikaan ah ayaa canbaareeyey kana soo horjeestay aqoonsigaas.Dhanka kale, Somaliland, ayaa iyana dhankeeda waddo dedaallo ay ku sii ballaadhinayso aqoonsigaas, iyada oo baadigoob ugu jirta dalalkii kale ee kusoo biiri lahaa Isra’iil.Madaxweynaha Soomaalilaan Cabdiraxmaan Cirro ayaana si cad u sheegay in ‘dalal kale soo hayaan daqriiqa aqoonsiga Somaliland’ khudbad uu shalay jeediyey kaddib markii uu soo baxay warka Israel.Warbaahinaha iyo falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa iyaguna saadaalinaya xaalka sida uu noqon doono, saamaynta ka dhalan doonta aqoonsigan iyo weliba cidaha kale ee ku soo biiri doona.
Xigashada Sawirka,Getty ImagesQoraalka sawirka,.Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay kadib markii dhulgariir xooggan uu ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha Mexico Jimcadii.Warbaahinta CBS, ee Maraykanka oo bah-wadaag la ah BBC-da ayaa sheegtay in ilaa fiidnimadii jimcaha waqtiga maxaliga ah ee dalkaas, labo qof ay dhinteen halka dhowr kale ay dhaawacmeen.Xudunta dhulgariirka cabirkiisu ahaa 6.5 ayaa ku dhawayd magaalada dalxiiska caanka ah ee Acapulco, oo ku taal agagaarka San Marcos ee gobolka koonfur-galbeed ee Guerrero.Gobolka Guerrero, guddoomiyaha gobolka Evelyn Salgado ayaa sheegtay in haweeney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku dhimatay, halka Clara Brugada, duqa magaalada Mexico City, ay xaqiijisay geerida nin 60 jir ah. Waxay sidoo kale sheegtay in 12 qof oo kale ay dhaawacmeen
Leave a comment