Home Xulka Wararka WARQAD FURAN: FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JFS
Xulka Wararka

WARQAD FURAN: FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA JFS

Share
Share

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Ujeeddo: Badbaadada Qaranka iyo Tallaabooyinka looga baahan yahay Hoggaanka.

Mudane Madaxweyne,

Taariikhda umaduhu waxay ku qoran tahay daqiiqado u baahan geesinnimo iyo go’aan adag. Hore ayaad u muujisay hoggaan mudan bogaadin xilligii aad wajahday qalalaasihii ka dhashay heshiiskii sharci-darrada ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Degganaantii, xirfaddii, iyo dublamaasiyaddii aad ku kasbatay garabka dalalka walaalaha ah sida Turkiga, Masar, iyo kuwo kale, waxay ahaayeen guul weyn oo qaranku kugu garab istaagay.

Hase yeeshee, maanta Soomaaliya waxay hor taagan tahay khatar ka weyn tii hore. Madax-bannaanida iyo midnimada dhulkayaga waxaa si toos ah u loolamaya quwad ka mid ah kuwa ugu awoodda badan adduunka iyo hoggaamiye saameyn weyn ku leh saaxadda caalamiga ah.

Khatarta aan wajahayno

Waa inaan la dhayalsan awoodda naga soo horjeedda; waxay gacanta ku hayaan baraha warbaahinta ee adduunka laga xukumo, nidaamyada maaliyadeed iyo kuwa bangiyada ee caalamiga ah, iyo jiheynta ra’yiga dadweynaha. Laakiin, dhanka kale, Soomaaliya maanta waxay haysataa fursad dahabi ah. Weligeed dalku ma helin taageero dublamaasiyadeed oo caalami ah oo ka ballaaran tan maanta na hortaagan.

Mudane Madaxweyne, si looga faa’iideysto taageeradaas, loona difaaco qarannimada, waa in la qaadaa tallaabooyin geesinnimo leh:

  1. Dib-u-habayn Degdeg ah oo ku saabsan Golaha Wasiirrada: Waa in si degdeg ah loo magacaabo wasiirro leh aqoon durugsan, khibrad, iyo waddaniyad dhab ah. Waxaan u baahannahay Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan marnaba ka daalin socdaallada dublamaasiyadeed (shuttle diplomacy), kartina u leh inuu la tacaalo loolanka adag ee ka jira fagaarayaasha caalamka.
  2. Xoojinta Danjireyaasha ee Caasimadaha Qudrada: Waa in dalka looga wakiilo diblamaasiyiin xirfad sare leh magaalooyinka go’aanka adduunka looga gaaro ee Washington, London, Paris, Moscow, iyo Beijing. Sidoo kale, waa in la adkeeyaa matalaadda aan ku leenahay Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika (AU), iyo Midowga Yurub (EU).
  3. Dhismaha Gole Aqoonyahanno iyo Indheer-garad: Waa in la aasaasaa gole madax-bannaan oo ka kooban aqoonyahanno iyo macallimiin jaamacadeed oo dalka ka caawiya dajinta xeeladaha fog-fog iyo siyaasadaha masiiriga ah.

Gunaanad

Mudane Madaxweyne, daqiiqadahan oo kale waa kuwa lagu qoro dhaxalka hoggaamiyaha (Legacy). Haddii aad hadda ficil dhab ah qaaddo, taariikhdu waxay kugu xasuusan doontaa badbaadiye qaran. Haddii kale, guul-darrada maanta ma noqon doonto mid laga soo kabsado.

Shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay ku garab istaagaan haddii aad muujiso go’aan qaadasho dhiirran oo dalka looga saarayo go’doominta iyo khatarta uu wajahayo.

Share

Leave a comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *